Wasaaradda Caafimaadka — Xafiiska Daryeelka & La-socodka Caafimaadka Dadweynaha
Kormeerka tayada adeegyada caafimaadka, ruqsad-siinta xarumaha iyo dhakhaatiirta, jadwalka tallaalka qaranka (Somali EPI), iyo ka-hortagga cudurrada faafa ee gobolka.
Shabakadda BOGSII waxay isku xirtaa hay'adaha rasmiga ah ee caafimaadka, iyadoo leh aqoonsi la xaqiijiyey (Verified Identity), wararka hay'adaha, iyo ololayaasha caafimaadka bulshada ee la ansixiyey.
Dhammaan waalidiinta waxaa lagu wargelinayaa in xarumaha caafimaadka ee shabakadda BOGSII (Towxiid & BioCare) laga bilaabay jadwalka tallaalka carruurta iyo cabbirka MUAC.
Xarunta Caafimaadka Towxiid ee Garowe waxay bixisaa baaritaanno shaybaar oo dhammaystiran, Ultrasound, ECG, iyo la-talinta dhakhaatiirta gudaha iyo Telemedicine.
BioCare PolyClinic waxay bilowday barnaamijka la-socodka joogtada ah ee bukaannada qaba dhiig-karka iyo sonkorowga, oo ay ku jiraan HbA1c, Lipid Profile, iyo la-talin dhakhtar.
Bukaannada ku sugan magaalooyinka iyo deegaannada ka baxsan xarumaha waaweyn waxay si toos ah ula xiriiri karaan dhakhaatiirta BOGSII iyagoo adeegsanaya Telemedicine.